|
 |
|
 |
|
Deeq dii ay
soo
dhiibeen Jaaliyadda Walaalaha
Reer Dooxo ee magaalada OREBRO, Sweden oo Kuraas iyo
miisas lagu gaday. |
Muqdisho, Aug , 11, 2009
(COL)
Waxaa si habsami leh u socda dhismaha iskuulka degmada Ceelbuur ee gobolka
Galgaduud, iyadoo la dhameystiray inta badan la dhameystiray dhib u tayactirkii ku socday.
Iskuulka oo horey
ay u burburiyeen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay degmada Ceelbuur ee u dhexeeyey
beelaha walaalaha ah ee wada daga magaalada ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku
socday dib u dayactir xoogan maadama qolalkii uu iskuulku ka koobnaa ay wax yar
ka taagnaayeen saqafkii korena la fiiqday goorhore.
Deeqdii ay soo
dhiibeen Jaaliyadda Walaalaha
Reer Dooxo ee magaalada OREBRO, Sweden oo gaareysay $2000 US
ayaa waxaa markii ugu horeysay iskuulka laagu iibiyay kuraas iyo miisaas
kuwaas oo ay ku fadhiisan karaan arday gaaraysa ilaa 150 arday.
Kalabkan oo
haatan howshiisii intiisa badan ay soo gaba bagowday ayaa waxa lagu sameeyay gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo maalmaha
soo socda alle haduu idmo la gaarsiin doono magaalada Ceelbuur.
Daawo sawirada
Qalabka Iskuulka oo howshiisa ay socoto
|
|