Walaalaha Reer Dooxo ee magaalada OREBRO, Sweden, oo deeq dhan US$2000 ugu deeqay Qalabka Iskuulka ceelbuur oo la furayo.

Muqdisho, Aug , 08, 2009 (COL) Walaalaha somaliyeed ee u dhashay deegaanka dooxo ee G/galgaduud ee ku nool magaalada Orebro (nawaaxiga stockholm) ee dalka Sweden, ayaa deeq lacageed oo dhan US$2000(labo kun doolar) gaarsiiyay maamulka Haya'adda Samafalka Dooxo ee Somaliya asbuucii la soo dhaafay.
 
Deeqdaas ayaa walaaluhu ugu talagaleen qalabaynta Dugsiga H/Dhexe ee degmada Ceelbuur oo dhawaan la soo afjaray dayactirkiisii, lana qorshaynayo in sannad dugsiyeedka sannadkan 2009/2010 la furo, noqdana Dugsigii lixaad ee haya'adda Samafalka Dooxo ka furto Deegaanka Dooxo ee G/Galgaduud ee Somaliya.
 
Qalabkaas ayaa isugu jira Kuraas, Miisado, Sabuurado, iyo Qalab Xaafiisadeed oo hadda magaalada Muqdisho ay ka socoto samayntoodii, kadibna loo qaadi doono Ceelbuur si kama dambays bisha soo socota sept-09 loo furo iskuulkaas.
 
Muwajaha waxbarashada Hsdooxo Prof. Sheekh Ibraahim C/waaxid ayaa u mahadceliyay walaalahaas taageerada ku dayashada mudan bixiyay, xusayna in hadda uu qiyaasayo inay ku bilaabi doonaan ilaa boqol iyo konton (150) caruur ah, tartiibna usii kordhin doonaan tirada ardayda, isagoo carabka ku dhuftay in macallimiintii iskuulka Ceelbuur la diyaariyay, tababar gaar ahna muqdisho ku qaateen, dhawaana asaga, macallimiinta iyo qalabka iskuukaba ay u ambabixi doonaan magaalada Ceelbuur, si ay usii diyaariyaan qabanqaabadii furitaanka iskuulka iyo diiwaan gelinta ardayda.
 
Sidoo kale, Guddoomiyaha Haya'adda Samafalka Dooxo Mudane Bashir C/laahi Abshir ayaa asaguna mahadnaq ballaaran u jeediyay walaalaha reer Dooxo ee ku nool Sweden, gaar ahaan magaalada Orebro, kuna tilmaamay taageerada ay bixiyeen mid baahi wayn loo qabay, howl muhiim ahna lagu qabtay, tusaale ku dayasha mudana u noqon doonta dhammaanteen, gaar ahaan kuwa u arka in US$2000 iyo wax la mid ah aan wax lagu qaban karin.
 
Guddoomiyuhu, mar uu qadka teleefanka kula hadlay qaar kamid ah mas'uuliyiinta maamulka dooxo ee magaalada Orebro, wuxuu kula dardaarmay inay sii kordhiyaan dadaalkooda ku wajahan taagerida mashaariicda Hsdooxo ka waddo Deegaanka Dooxo, gaarsiiyaana walaalaha kale ee ku nool Sweden ee aan weli ka qayb qaadan.
 
Guud ahaan walaalaha Dooxo ee ku nool dalka Sweden ayaa ka mid ah walaalihii aasaasay Hsdooxo, ilaa iyo haddana si buuxda u garab taagan, kuwaas oo intooda badan ku kala nool magaalooyinka Stockholm iyo Gotenborg.
 
Guddoomiyaha iyo Muwajaha waxbarashada ayaa hambalyo gaar ah u diraya maamulka cusub ee Hsdooxo ee magaalada Orebro oo xaqiiqdii aasaasmay sannadkii hore ee 2008, ayagoo tiradooduna tahay ilaa iyo 13 ruux oo isugu jira rag iyo dumar, maantana tallaabadan wax ku oolka ah qaaday, maashaa' allaah.
 
haddaba halkan hoose waxaan ku xusi doonaa magacyada walaalaha reer Dooxo ee ku nool magaalada soo caan baxday ee Orebro, qaadayna tallaabadan naga wada farxisay oo hambalyada iyo mahadnaqu ku socdo:
 
1-Ibraahim i Warsame  (gudomiye)
2-Dhuhul Ali Sarey
3-Mahad C/rahmaan
4-Cawil Ali Elmi
5-C/rashiid Ahmed
6-Mahad Abdi   
7-Farhiyo Daahir   (khasnaji)
8-Luul Ali 
9-Hodan Ahmed
10-Farxiyo Ali
11-Xaawo Barkhadle 
12-Nasra Ali Hayleh
13-Saciido Daahir

   

Xafiiska Muqdisho
CEELBUURONLINE.COM