Muqdisho, March, 20, 2009 (COL)
Laga soo
billaabo maantuu Alle Aadan abuuray ilaa saacadda Aakhiro ka dhacayso umadaha
adduunka ku nooli dhammaantood waxay isku raaceen inay lama huraan tahay nafta
bina’aadanka in la dhawro oo aan lagu xadgudbin. Sidaas darted buu Alle
Subxaanahu u adkeeyay ciqaabta qofkii naf xaqdarro ku gooyaa uu Adduunka iyo
Aakhira labadaba ku leeyahay.
Ciqaabtiisa Adduunka:
Qofkii qof kale xaqdarro ku dilaa ciqaabta uu Adduunka ku leeyahay waxa weeye in
nafta looga qaado siduu isba naf qof kale u qaaday. Ciqaabtaas Alle wuxuu ka
yiri:
((وَكَتَبْنَا عَلَيْهِمْ فِيهَا أَنَّ
النَّفْسَ بِالنَّفْسِ وَالْعَيْنَ بِالْعَيْنِ وَالأَنفَ بِالأَنفِ وَالأُذُنَ
بِالأُذُنِ وَالسِّنَّ بِالسِّنِّ وَالْجُرُوحَ قِصَاصٌ فَمَنْ تَصَدَّقَ بِهِ
فَهُوَ كَفَّارَةٌ لَهُ وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ
فَأُوْلَئِكَ هُمْ الظَّالِمُونَ))
[المائدة (45)]
(Waxaan
dushooda Tawraad dhexdeeda kula waajibinnay naf in naf loo gooyo, il il loo
rido, san san loo gooyo, dheg dheg loo jaro, iligna ilig loo rido,
dhaawacyaduna ay qisaas (waxaad
geysatay oo lagaa gooyo) leeyihiin, qofkii dhibkii ku dhacay sadaqaysta
dembi-dhaaf buu u yahay (ama qofkii dhibka dhigay hadduu is-dhiibo oo ha
la’iga gudo yiraahdo oo sidaas looga gudo dembi-dhaaf buu u yahay), wixii
Alle soo dejiyay qofkaan dadka ugu kala garsoorinna kuwaas baa dulmi
sameeyay) (Al-Maa’ida: 45).
Aayaddani inkastoo ay
reer Banii-Israa’iil (Yuhuud) kusoo degtay misana waa innagu waajib in aynu
ku dhaqanno, maxaa yeelay shareecadii innaga horreysay haddaanay
shareecadeenna khilaafaynin in aynu ku dhaqannaa waa innagu waajib.
Taas oo jirta, misana
halkaan Aayaddaas keligeed daliil ahaan ugu soo qaadan mayno, maxaa yeelay
kitaabka Alle iyo sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) ee
afka ah iyo tan falka ah iyo ijmaaca umadda intaba arrintaasi si shaki
la’aan ah bay ugu caddahay, siduu Alle yiri:
((يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا
كُتِبَ عَلَيْكُمْ الْقِصَاصُ فِي الْقَتْلَى الْحُرُّ بِالْحُرِّ وَالْعَبْدُ
بِالْعَبْدِ وَالأُنثَى بِالأُنثَى فَمَنْ عُفِيَ لَهُ مِنْ أَخِيهِ شَيْءٌ
فَاتِّبَاعٌ بِالْمَعْرُوفِ وَأَدَاءٌ إِلَيْهِ بِإِحْسَانٍ ذَلِكَ تَخْفِيفٌ
مِنْ رَبِّكُمْ وَرَحْمَةٌ فَمَنْ اعْتَدَى بَعْدَ ذَلِكَ فَلَهُ عَذَابٌ
أَلِيمٌ (178) وَلَكُمْ فِي الْقِصَاصِ حَيَاةٌ يَا أُوْلِي الأَلْبَابِ
لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ)) (179)
[البقرة]
((Kuwa
xaqa rumeeyow! waxaa waajib la idiinka
dhigay dadka la laayay qisaastooda (isu dhigistooda) oo ah in; qofka
xorta ah xor kale loo dilo, addoonka addoon loo dilo, dhediggana dhedig loo
dilo, ee qofkii walaalkiis uu dilay dhiiggiisii qayb laga cafiyay waa in
wanaag lagula dhaqmo, isaguna wixii ku haray uu si wanaag ku jiro kii
cafiyay ugu gudo, taasina waxa weeye fududayn iyo naxariis Rabbigiin
xaggiisa idiinkaga timid, markaay sidaasi dhacdo keddibse qofkii xadgudbaa
wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan. Qisaasta (isu dhigista) nolol baa
idiinku jirta, dadka wax garadka ahow bal in aad dhawrsataan)) (Al-Baqara:
178-179).
Cabdullaahi ibnu Mascuud (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri:
(Qof muslin ahoo in
Alle mooyee Ilaah kale aanu jirin anna aan Rasuulkii Alle ahay qiraya
dhiiggiisu kuma bannaana waxan saddex xaalo middood ka ahayn: Qof xaas ah oo
sinaystay, naf naf loo goynayo iyo qof diintiisa ka tegay oo jamaacada ka
baxay).
Cabdullaahi ibnu Camr ibnil-Caas (RC) waxa laga weriyay Nabigu (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) inuu yiri: (Adduunyada
oo baaba’da ayaa ka fudud nin muslin ah dilkiisa).
Ciqaabta uu Aakhira leeyahay:
Qofka qof muslin ah
xaqdarro ku dila Aakhiro wuxuu leeyahay carada Alle iyo cadaabta jahannama
oo uu ku waaro. Ilaah wuxuu leeyahay:
((وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِناً
مُتَعَمِّداً فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِداً فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ
وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَاباً عَظِيماً))
[النساء (93)]
((Qofkii qof
mu’min ah ulakac u dila abaalmarintiisu waa Jahannama oo uu ku dhex waarayo
Allena wuu u carooday wuuna lacnaday
(naxariistiisa ayuu ka fogeeyay) cadaab
weynin badanna wuu u diyaariyay)) (An-Nisaa’: 93).
Cabdullaahi
ibnu Mascuud (RC) wuxuu Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
ka weriyay inuu yiri: (Naf kasta oo dulmi loo dilo, waxa dhiiggeeda qayb
ku leh ina Aadankii hore, maxaa yeelay wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee
dil laga bartay).
Alle Subxaanahu wuxuu
mujaahidiinta u diiday inay dilaan gaalkii goobta dagaalka lagula jihaadayay
ee seefta inta sare loogu qaaday si qoorta looga gooyo, markaas yiri : (Laa
Ilaah illal-Laah).
Usaama ibnu Zayd (RC)
baa wuxuu dilay nin kamid ahaa gaaladii la dagaallamaysay, markuu Laa
Ilaaha illa-Laahu yiri kaddib. Suubbanaha (Sallallaahu calayhi
wasallam) markii dhacdadii loo sheegay waxa uu Usaama ku yiri: (Ma
waxaad dishay markuu Laa Ilaaha illal-Laahu yiri kaddib?). Usaamaa wuxu
yiri: Rasuul Alloow wuu iiga gabbanayay. Suubbanuhu (Sallallaahu calayhi
wasallam) wuxuu yiri: (Ma intaad qalbigiisa jeexday baad ka ogaatay?).
Alle Subxaanahu
watacaalaa isagoo arintaas ka hadlaya wuxuu Qur'aankiisa ku yiri:
((يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا
ضَرَبْتُمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَتَبَيَّنُوا وَلا تَقُولُوا لِمَنْ أَلْقَى
إِلَيْكُمْ السَّلامَ لَسْتَ مُؤْمِناً تَبْتَغُونَ عَرَضَ الْحَيَاةِ
الدُّنْيَا فَعِنْدَ اللَّهِ مَغَانِمُ كَثِيرَةٌ كَذَلِكَ كُنتُمْ مِنْ قَبْلُ
فَمَنَّ اللَّهُ عَلَيْكُمْ فَتَبَيَّنُوا إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِمَا
تَعْمَلُونَ خَبِيراً))
(94)) [النساء]
((Kuwa
Mu’miniinta ahow markaad jidka Alle u baxdaan wax hubsada oo ha dhihina qof
salaan idiin soo taagay Mu’min ma ahid adinkoo doonaya dhalanteedka nolosha
adduunyada, Ilaah baana qaniimooyin badan haaya, sidaas oo kale ayaad awal
ahaydeen “adinkuba” Allaana
idinku galladaystay “idin soo hanuuniyay” ee kala hubsada, Allena
waxaad camal falaysaan waa xog ogaal)) (Suurat Al-Nisaa': 94).
Sida uu Alle Aayadaas
ku sheegay qofkii gaalka ahaa ee kula dagaallamayay hadduu dagaalkii joojiyo
oo uu ashahaato, dhiiggiisu waa xaaraan, xalaalna ma aha in la dilo, maxaa
yeelay awalba waxa loola dagaalamayay inuu islaamo, haddii taas laga helana
faraha ayaa laga qaadayaa. Sidoo kale hadduu gaalku heshiis oggolaado, isna
waa la nabad gelinayaa mar hadduusan diinta Alle hor istaagayn, oggolyahayna
inay ummada gaarto.
Haddaba haddii qofkii
aan gaalnimo ku ogayn ee cabsi darteed daqiiqaddii ugu dambaysay
ashahaadinka qirtay uu xaalkiisu sidaas yahay oo la diiday in la dilo, maxay
kula tahay qof fac-ka-fac muslin ahaa oo salaaddii tukanaya, soonkii soomaya,
sakadii bixinaya, xajkiina gudanaya, sidee qof kaloo muslin ah oo Alle iyo
maalinta Aakhiro rumeeyay dhiiggiisa u xalaashaday oo xaqdarri ugu dilay?.
Iskaba daa in
qof muslin ah dilkiisu bannaan yahay ee Rasuulku
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
wuxuu ka digay in qof
muslin ah laga nixiyo xitaa haddii ay kaftan iyo ciyaar tahay. Cabdullaahi
ibnu Saa’ib ibnu Yaziid wuxuu awoowihiis ka weriyay inuu maqlay Rasuulka
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
oo dhahaya: (Qofkiinna yaanu alaabada
walaalkiis dhayal iyo dhab toona ku qaadin, qofkii usha walaalkiis qaadayna
ha celiyo).
Ibnu
Abii-Leyla isna waxa laga weriyay inuu yiri: Asxaabta Nabi Muxammad
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
ayaa inooga sheekeeyay in iyagoo Nabiga
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
la socda nin iyaga kamid ahi uu hurdooday,
markaasna nin kaloo iyaga kamid ahi xarig uu sitay ka qaaday dabeetana
ninkii markuu inta uu toosay xariggii waayay uu naxay. Markaas Rasuulku
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
uu yiri: (Muslin uma bannaana inuu muslin
ka nixiyo).
Sabriye Macallin Muuse
sabkaxaaji@hotmail.com
Minnesota-United States
Nagala
soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
© Ceelbuur Online
