Muqdisho, March, 20, 2009 (COL)
Camr
ibnu Shucayb waxa laga weriyay Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
inu yiri: (Innaga mid ma
aha qofkaan keenna yar u naxariisan keenna weynna sharaftiisa ogaan).
Werin kale
waxay leedahay:
(Keenna weynna xaqiisa ogaan).
Qofka weyni waxa weeye qofka da' ahaan kaa weyn, kaa cibaado iyo
Alle-ka-cabsi badan, kaa aqoon badan, kaana indheer garadsan. Dadka caynkaas
ahi hadday diintooda daacad u yihiin, shareecada Rabbigoodna ciso iyo sharaf
ka dhiganayaan, dadka waxa waajib ku ah inay darajadooda u aqoonsadaan,
xuquuqdoodana gutaan, ixtiraam iyo qaddarinna ugu istaagaan.
Talooyinkii iyo tusaalooyinkii Suubbanaha Maxamed (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) ee ku saabsanaa qaddarinta qofka weyn annagoon halkaan kusoo
koobi karin haddaynu qaar kasoo qaadanno:
- Abuu-Muusa
(RC) waxaa laga weriyay in Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
uu yiri: (Weynaynta
Eebbe waxaa kamid ah qaddarinta qofka muslinka ah ee cirrada leh, qofka
Qur'aanka xafidsan aan ka ahayn kan isweynaysiiya iyo kan ka tegay iyo
qaddarinta qofka hoggaamiyaha ahe caadilka ah).
- Ibnu
Cumar (RC) waxaa
laga weriyay: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri:
(Waxaan riyo ku arkay
anigoo caday ku cadaysanaya, markaas waxa ii yimid laba nin oo midi kan kale
ka da' weynyahay. Cadaygii baan kii yaraa u taagay, markaas baa la'iyi:
Weynee. Markaas kii labadooda weynaa ayaan siiyay).
Axaadiithtaas saxiixa ah waxa inooga ifaya arrimaha soo socda:
1- Qofka weyn in boos u qalma loo qoondeeyo:
Sida isagoo arrimaha
lagala tashado, fadhiga isaga loo hormariyo, martisoorka lagu billaabo, iwm.
Waxaa daliil inoogu filan Xadiithkaan: Wufuuddii Suubbanaha (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) Madiina ugu imaanaysay waxaa kamid ah wafdi ka socday
reer Cabdi Qays. Qaar kamid ah wafdigaas waxa laga weriyay: (Rasuulka Alle
ayaan u nimid, aad bayna inoogu farxeen "asxaabtii". Markaan goobtii nimid
baa naloo banneeyay, waana nala fariisiyay. Nabiga Alle (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) ayaa markaas nasoo dhoweeyay, noona duceeyay.
Dabadeed intuu ina eegay buu yiri: (Yaa nabaddoon iyo hoggaamiye idiin
ah?). Kulligeen waxan farta ugu fiiqnay Mundir ibnu Caa'id. Mundir
markuu usoo dhowaaday baa loo banneeyay ilaa uu gaaray halkuu Nabigu (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) fadhiyay, wuxuna fariistay Rasuulka (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) midigtiisa, si fiican buuna usoo dhoweeyay, uguna
furfurmay).
2- Qofka weyn in wax kasta lagu billaabo:
Sida qofka weyn oo kan yar ka hormara marka salaadda Jimcaha la tukanayo,
ama marka dad lala hadlayo, amaba marka dad lala mucaamaloonayo.
Ibnu-Mascuud
(RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
kolka uu salaadda inoo simayo wuxuu dhihi jiray:
(Sinma hana is-khilaafina
yaanay quluubtiinnu is-khilaafine, qaan-gaarka caqliga lihi ha igu xigsadeen,
dabadeedna kuwa ku xiga, dabadeedna kuwa ku xiga).
Xadiith
kale oo saxiix ah waxa lagu sheegay in mar ay laba nin oo asxaabta kamid ahi
Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u yimaadeen say ula hadlaan
uu ku yiri: (Weynee!! weynee "qofka weyni ha hadlo").
3- Qof weyn in aan la fududaysan:
Arrimahaas aynu soo sheegnay waxa iyana ka farcama arrimo kale oo ku saabsan
weynaynta iyo darajaynta qofka weyn, loona baahan yahay barbaariyuhu inu
ubadka dabeecad uga dhigo, inta ay yaryihiinna ku abaabiyo.
1-
Qofka weyn in laga
xishoodo:
Xishoodku waxa weeye akhlaaq gayeysiisa in wixii xun laga maago, diidda in
qofka weyn gudashada xaqiisa laga gaabiyo, keentana in qof kasta oo xaq leh
xaqiisa la siiyo. Sidaas darteed, xishoodku inuu wax wanaajiyo mooyee wax ma
xumeeyo.
Aanas ibnu
Maalik (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
ka weriyay: (Xushmad darro meel kastooy gasho way xumaysaa, xishoodna
meel kastuu galo wuu xardhaa "qurxiyaa").
Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
ka weriyay inuu yiri:
(Iimaanku waa dhawr iyo lixdan
unug, xishoodkuna waa unug iimaanka kamid ah).
2-
Kola uu imaanayo in
loo istaago:
Qofka goobta
yimaada sida martida, musaafurka, macallinka, qofka waayeelka ah, imw., oo
loo istaagaa waxay kamid tahay anshaxa bulshada ee wanaagsan, loona baahan
yahay in da’ yarta lagu abaabiyo.
Sayida Caa'isha
(RC) waxa laga weriyay inay tiri: Ma aanan arag qof Faaduma bintu
Rasuulil-Laah (RC) uga joogsi iyo fadhi eg Rasuulka(Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam). Hadday Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
usoo gasho wuu u istaagi jiray oo intuu dhunkado buu meesha uu fadhiyo
fariisin jiray, hadduu usoo galana intay halkay fadhido kasoo istaagto oo
dhunkato bay halkii ay fadhiday fariisin jirtay).
Waxaa la
weriyay saxaabigii weynaa Sacad ibnu Mucaad (RC) Rasuulku (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) inuu u xilsaaray inu xukun ku rido Yuhuuddii reer
Banii-Qurayda oo ka baxday heshiiskii ay muslimiinta la gashay. Goobtii
xukunku ka dhacayay kolkuu Sacad kusoo dhowaaday Rasuulku (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) wuxuu Ansaar ku yiri:
(Nabaddoonkiinna u istaaga).
3-
In gacantiisa la
dhunkado:
Anshaxa bulshada
ee loo baahan yahay da’ yartu inay qabatimaan, waxaa kamid ah dhunkashada
gacanta qofka weyn, taas oo raad weyn ku yeelanaysa barashada ixtiraamka,
naxariista iyo dadka qofba halkuu mudan yahay inuu uga boos dhigo.
Nagala
soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
© Ceelbuur Online
