Diinimadii Biyaha siinaysay Siyaad Dherya Dhoobe Hosbital oo ganacsade Daqarre(South Africa) ugu deeqy Isbitaalka.

Muqdisho, Jan, 21, 2009 (COL) Waxaa maanta oo bishu tahay jan-21-09, xoghayah caafimaadka Haya'adda Samafalka Dooxo Dr Osman Cabdulle beentay, lagu wareejiyay Diinimadii biyaha ka soo qaadaysay ceelka una gudbinaysay isbitaalka.

Guddoomiyaha Haya'adda Samafalka Dooxo Mudane bashir C/laahi Abshir ayaa u mahad celiyay Ganacsade Axmed Caynab Cigalle(daqarre) oo ka mid ah walaalaha reer dooxo ee ku nool South Africa, deeqdaas waxtarka leh ee uu u fidiyay isbitaalka guud ee deegaanka dooxo, kuna tilmaamay mid ku dayasho mudan, uguna baaqay ganacsatada kale ee u dhalatay deegaanka dooxo inay talaabo la mid ah talaabadan qaadaan, kana qayb qaataan qalabaynta isbitaalka oo haatan la guda galay.


Guddomiyaha HSD ee Somalia C/llaahi Ciise oo guddoonsiinaya Agaasimaha Isbitaalka S.DH.DH.H Dr Xasan Xuseen Xirsi Dinimadii Isbitaalka uu ku soo tabarucay Axmed Caynab Cigalle oo ku sugan South Afrika.


Guddoomiyuhu wuxuu ilaah uga baryay in ganacsade Daqarre ka abaal mariyo deeqdan qiimaha leh, dambigiisana dhaafo, AAMIIN.


Shalay ayay ahayd markii sidoo kale walaalaha reer dooxo ee ku nool yurub iyo north america deeqdii ugu horaysay ee oo ah qalabaynta isbitaalka ku wareejiyeen Dr osman beentay, waxaana la rajaynayaa aakhirka bishan in isbitaalku si ku meel gaar ah u hawlgalo,baahida jirta wageed, si tartiib tartiib ahna loo qalabeeyo qaybaha kala duwan ee isbitaalku ka kooban yahay.

Dhismaha isbitaalka ayaa weli socda, qaybta guud oo ugu muhiimsan ayaa ah mid diyaar ah lana rabo hadda in la sii hawlgeliyo, qaybta dumarka iyo caruurta ayaa ayadana waxaa ku socda dhismo, laguna xijin doonaa qaybta guud, kadib ayaa loo gudbi doonaa qaybta jiifka ragga oo noqon doonta qaybta ugu dambaysa, insha'allaah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay ganacsatada reer dooxo ee Nairobi, Kenya oo taageeradii dhaqaale ee ugu horaysay gaarsiiyay dhismaha isbitaalka, ayagoo ballan qaaday inay sii xoojinayaan taageeradaas muddo gaaban guduhood.

Wuxuu kaloo mudane Bashir ilkawayne baaq u diray ganacsatada reer dooxo ee ku nool sacuudi careebiya, kadib markii ay wadahadal la yeesheen mas'uul sare oo ka tirsan hsdooxo ee canada Mudane C'risaaq Yuusuf Diini, soona dhaweeyeen ka qayb qaadashada dhismaha iyo qalabaynta isbitaalka guud ee deegaanka Dooxo, mudane bashir ilka wayne ayaa ka codsaday, kuna adkeeyay reer sacuudi careebiya inay soo dadejiyaan deeqda ay ballan qaadeen, una taagnaadaan horumarinta deegaanka dooxo.

Ugu dambayntii mudane bashir llkawayne wuxuu wax farxad leh ku tilmaamay isku duubnida iyo midnimada ay muujiyeen walaalaha reer dooxo guud ahaan, gudaha iyo dibaddaba, si ay u dhistaan deegaankooda, una hormariyaan walaalahood ku dhibaataysan deegaankii, wuxuuna kusii adkeeyay inay sii kordhiyaan dadaalkooda kuna sabraan dhibka ay u marayaan, ilaah ayaana idinka abaal marin doona ayuu yiri mudane bashir ilkawayne, insha'allaah.


 







Ali Abdi Sh. Axmed (Calimahad)
Ceelbuur Online
Xafiiska Muqdisho
                     


 Nagala soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
 © Ceelbuur Online