Munaasabab si weyn loo soo agaasimay oo
maanta ka dhacday Dhismaha weyn ee Dooxo ayaa waxaa Xoghayaha Caafimaadka
Hay'adda samafalka Dooxa Dr Cismaan Cabdulle Faarax uu ku wareejiyay
Agaasimaha Siyaad Dherya Dhoobe Hosbital Dr Xasan Xuseen Xirsi Hospital
Equipments-kii uu ku shaqeyn lahaa Isbitaalada S.DH.DH ee degmada Ceelgaras.
"Alle haduu idmo isla maanta maalmaha soo
socda gaarsiin doonna Qalabkaan isbitaalka oo ay haatan dhameystiran yihiin
qeybo ka mid ah Sida Qeybta Block A, iyada oo marka ay halkaasi gaartana
waxaan irdaha u furi doona Isbitalka maadaama haatan baahi caafimaad oo weyn
ay ka jirto degaanka" ayuu u yiri Agaasimaha Siyaad Dherya Dhoobe Hosbital
Dr Xasan Xuseen Xirsi.
Noocyada kala duwan ee qalabkaan maanta la
wareejiyay iyo codkii Labada Masuulka ay ka jeediyeen Munaasabadda ka
dhageyso Halkaan: