Qaabkii Casriga ahaa oo ay bilaabeen walaalaha Doxa ee Canada oo ka dhaqan galay Mareykanka.

Muqdisho, Dec, 13, 2008 (COL) Waxaa ka dhaqan galay Minnesota iyo Mareykanka oo dhan qaabkii casriga ahaa ee walaalaha Reer Dooxo iyo walaalaha Somaaliyeeba ay taageerada dhaqaale ugu fidinayaan dhismaha Isbitaalka Siyaad Dheryo Dhoobe (S.DH.DH) ee haatan dhismihiisu ka socdo degmada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.



Qaabka Kaararka Hadalka laagu taageerayo dhismaha Isbitalka ayaa waxaa minnesota oo dhan qaabilsan C/qaadir Axmed Fiidow, iyadoo si rasmi ah ay u bilaabatay iibsiga kaararkii ay diyaariyeen mas'uuliyiinta Hay'adda Samafalka Dooxo ee Canada, islamarkaana ay soo gaarsiiyeen Maraykanka.



Sawirkaan ayaa waxaa ku aragtaan C/qaadir Axmed Fiidow oo kaarka hadalka ka gadaya guddoomiyaha HSDooxa Mudane Bashiir Ilkaweyne, islamarkaana gacanta ku haya Kaarkii FUND-RAISINKA ee uu ku taageeray Dhismaha Isbitalka S.DH.DH.


Qaabkan casriga ee dhaqaalaha loogu aruurinayo mashaariicda Hay'aada Samafalka Dooxo ay ka fuliso degaanka Dooxo gaar ahaan dhismaha Isbitaalka S.DH.DH ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyey dhamaan jaaliyada Dooxo ee qurbaha ku nool.

Xafiiska Muqdisho
webmaster@ceelbuuronline.com


 Nagala soo xiriir:webmaster@ceelbuuronline.com
 © Ceelbuur Online